Haamo ku soo Caariyey Hobyo

Hobyo (KON) - Maamulka Degmada Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyey Fuustooyin ku soo Caariyey Degmadaasi.
Warar Keydmedia Online
Haamo ku soo Caariyey Hobyo

Gudoomiyaha Maamulka Galmudug ee Gobolka Hobyo Xuseen Salaad Weheliyi (Xuseen Jeesto) ayaa Keydmedia Online u sheegay in Xeebta Magaalada ay ku arkeen ugu yaraan 2000 Kun oo Fuusto oo ay umaleenayaan in uu Shidaal ku jiro, kuwaas oo Xeebta ku soo Caariyey.

Xeseen Jeesto ayaa sheegay in Shalay Gabal gaabkii  ay Dadka Reer Hobyo ay arkeen Fuustooyinkaan oo Xeebta Dulsabeenaya.

“Waxaan u Maleyneeynaa in Markab Dagay Fuustooyinkaan ay ka  soo Caariyeen, waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in Fuustooyinkaan ay ku jiraan Sun ay Maraakiibta Shisheye ay ku daadiyeen Xeebaheena” ayuu yiri Xuseen Jeesto.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Baaritano ku sameenayaan waxa ay yihiin Fuustooyinkaan Xeebta ku soo Caariyey, si loo ogaado waxa ku jira.

Xeebaha Mamulka Galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah lagu arkay Haamo waaweyn oo ay ku jiraan Sun ay keeneen Maraakiibta Shisheeye.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdosho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.