Hal arin oo la-yaab leh baa lagu arkay Goob lagu laayay Al-Shabaab - Caanood

Ceel-Hareeri waxay 15KM u jirtaa Aadan Yabaal, oo katirsan Shabeellaha Dhexe halkaasoo qarka u saaran in Al-Shabaab lagala wareego.

Warar Keydmedia Online
Hal arin oo la-yaab leh baa lagu arkay Goob lagu laayay Al-Shabaab - Caanood

MUQDISHO, Soomaaliya - Cllaahi Cali Caanood, oo ah Afhayeenka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, ayaa sheegay in arin la yabaab leh lagu arkay goob ku dhaw Tuulada Ceel-Hareeri, G/Hiiraan lagu dilay in ka badan 130 Al-Shabaab katirsan.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'id magaalada Muqdisho, Caanood ayaa xusay in Ciidanka dowladda ay tageen goob lagu jebiyay Al-Shabaab, si ay meydadka usoo aruuriyaan, ballse ay la kulmeen wax la yabaan leh, oo horey aan loogu arkin goobaha dagaalka.

Afhayeenka ayaa xusay in Al-Shabaab ay dagaalka qasab kusoo gelisay dhalinyarro beeralay iyo Geel-jir ah, oo la arkay iyagoo katiinado lugaha ugu xiran xili meydadkooda laga soo aruurinayay meel labo maalin dagaal ka socday.

Dagaalkii Ceel-Hareeri ka dhacay ee cadowga lagu naafeeyay markii uu istaagay, meelihii cadowga difaac kaga jireen baa Ciidamadu ay galeen si ay u uruuriyaan dhimashada iyo dhaawaca, waxay heleen arrin la yaab leh oo ah maleeshiyada Al-Shabaab dhaliyarada ay soo qaldeen oo toban toban, shan shan katiinad ugu xiran tahay, taasi oo daliil u ah in ay dhalinyaradaas soo raafeen oo ay soo qasbeen,” ayuu yiri Generaal Caanood oo warbaahinta la hadlay.

Al-Shabaab ayaa la kulantay dharbaax xooggan jiida hore ee dagaalka Hiiraan, halkaasoo laga saarey dhul-ballaaran, islamarkaana looga dilau xubno badan, iyadoo hadda furumo kale uga furmeen Shabeellaha Dhexe.

Ceel-Hareeri waxay 15KM u jirtaa Aadan Yabaal, oo katirsan Shabeellaha Dhexe halkaasoo qarka u saaran in Al-Shabaab lagala wareego.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.