Qoor-Qoor waa Farmaajo, Farmaajana waa Qoor-Qoor!

Waxaa la garan la'yahay halka ay ka hagaagi la'dahay xaaladda qaraar ee u dhaxaysa saamileyda siyaasadda ee isku haya talada dalka.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor waa Farmaajo, Farmaajana waa Qoor-Qoor!

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadda kahor nin ayaa ergo ahaan inuu dhex-dhexaadiyo loogu diray laba nin oo ay xurguf adag dhex-martay. 

Ninkii ayaa gaar-gaar nimankii ula kulmay, halkii isku soo dhawaashiyo laga filayay way sii kala irdhoobeen raggii dirirtu dhex martay, ee la waayay si allaala iyo si lagu heshiisiiyo, goor dambe oo guddi loo saaray ayaa waxaaba la ogaaday, ninku in uusan dhex-dhexaad ahayn oo ragga hadal ay kusii kala dhintaan isku dhaafinayay mar walba ee uu la kulmo labada nin.

Ujeedada ninkaasina waxay ahayd iyadoo aan la ogaan in uu gaarsiiyo karka ka dhasha is-qabadka labada nin meel fog oo hadhowna ay ka dhan tahay daba-qabasho!

Haddaba waxaa taa lamida, waan-waanta Qoorqoor uu ka dhex wado Farmaajo iyo garabka Federaalka ee dowlad goboleedyada ay isku reerka yihiin odayga, waxaan muuqata marba marka ka dambeysa in arrintu ku sii siqeyso meel la isleeyahay barako maleh ayey gaartay.

Sidaa darteed waxaa habboon in la magacaabo guddi si hoose u fiiriya fariimaha uu Qoorqoor ukala gudbinayo Villada & kooxda Garoowe ku harsanaysa weli.

Laba mar oo hore ayuu meel fagaara ah ka sheegay inuu Qoorqoor ka shaqeynayo xallinta khilaafaadka ka dhaxeeya labada dhinac, waxaad mooddaa Lafta-gareen -ka shaqada hoos dusinta ah wada taasoo uu doonayo in Xildhibaanadii Golaha Aqalka Sare sida uu Farmaajo rabo inuu umaamulo iyo Qoorqoorka iska dhigaya inuu ku xuurtoobay dhex dhexaadinta labada dhinac ee is haya waxba isma dhaamaan!

Maah maahdii aan maqli jiray anoo yar ee ahayd "Col ku dhac, oo tuugo kuu ciidamisay" waxba kuma kala duwana, Hagoog xumida Qoorqoor iyo Lafta gareen Riyoonaya midna xal iyo dan uma hayo Federaalka loo dooray umadda Soomaaliyeed, waxay u adeegayaan shakhsi xukun jaceyl ku qafiifay ee u haysta inaysan nolol jirin haddii Fillada laga soo baxo (Villa Somalia) 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.