KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tiirsan deeqaha maaliyadeed ee Beesha Caalamka, taasoo lagu kabo miisaaniyadda sanadlaha ah.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Maanta qalinka ku duugay Miisaaniyadda Cusub ee 2023, taasoo maalmo kahor uu Baarlamaanka ansixiyay.
Miisaaniyadda waxay gaareysaa $967.7 million, waxayna ka badan tahay $36.3 million Miisaaniyadda 2022 [$ 918.7 million]. Lacagtan inteeda badan qiyaastii illaa 70% waxay ka imaanaysaa deeqaha Caalamka.
Dowladda ayaa dhaqaale ahaan ah mid iska dafiic ah, oo dib usoo kabasho ku jirta, waxayna ka heshaa Canshuura gudaha $283.3 million, taasoo ah lacag aad u yar marka la eego dowladnimadda.
Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in dhaqaalaha qaar badan oo kamid ah ku baxo meelo qaldan, sida in la siiyo shaqaale aan shaqada soo xaadiran, oo iyagoo dibadda ku maqan lacagtooda qaata.
Wuxuu sheegay in dowladda u shaqeyso 5,000 oo qof, kuwaasoo 1,500 kaliya soo xaadira shaqaddda, halka 3,500 aan waligood xafiiska soo fariisan, oo lacag micna-darro ah iska qaata.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.