Halkee ku danbeeyeen Dhalinyaradii Fahad u qaaday Eritrea?

Waxaa xogo kala duwan laga helayaa ciidamadii dabayaaqadii sanadkii 2018, iyo bartamihii 2019-ka, tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

Warar Keydmedia Online
Halkee ku danbeeyeen Dhalinyaradii Fahad u qaaday Eritrea?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhalinyarada Soomaaliyeed oo tiro sugan aan laga heyn caddadooda, ayaa la rumeysan yahay in xaalad adag ay ku wajahayaan Eritrea, gaar ahaan xeryo ku yaalla buuraleyda dalkaasi.

Dhalintan oo uu u dhamaaday tababarka ayey iminka Eritrea ku qabsata howlo ka baxsan tabarka Ciidannimo, sida jabinta dhagaxyada buuraha, waxana laga deyrinayaa xaaladda caafimaadkooda, sababo la xiriira cunno xumo heysata.

Askarta ayaa u xayiran dhaqaalhii lagu tababaray, oo laga doonayey inay bixiso dowladda Qatar, taasoo aan xilligan diyaar u ahayn in dhiibto lacagtaasi, arrimo ku qotoma walwalka ay ka muujineyso in doorashadda ay ku soo baxaan hoggaan ka duwan, kooxda iminka Madaxtooyada sharci darrada ku joogta.

Eritrea iyo hoggaanka Villa Soomaaliya ayaa kal hore dhalinyarada intooda bdan u diray dagaalkii Gobolka Tigreey oo dhex maray Itoobiya iyo kooxda TPLF, halkaasoo la rumeysan yahay in tiro iyaga kamid ah ay ku geeriyoodeen.

Dowladda waqtigeeda dhamaaday oo inkirtay arrintaasi, ayaa dhalisay in Qaramada Midoobay ay horraantii  bishii June ee sanadkan, soo saarto warbixin ay ku sheegeyso in ay heleen xog ah in Ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb qaateen dagaalkii Itoobiya la gashay TPLF, islamarkaana lagu arkay Magaalada qadiimiga ah ee Aksum oo ka tirsan Gobolka Tigray.

Qatar ayaa daneyneysa in ay bixiso dhaqaalaha Ciidankaasi lagu tababaray, kadib marka ay dhinac u dhacdo doorashadda, iyagoo doonaya in arrintaasi ay kala shaqeeyaan hoggaanka talada dalka hanan doona, si ay u sii jirto saameyntooda siyaasadeed ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.