Halkee marayaa dagaalkii Beledweyne?

Odayaal hadlay ayaa ku eedeeyay in Ciidanka dowladda ee xerada Lama-galaay lagu weeraray Jufo katirsan Beesha Xawaadle, oo lagu magacaabo Yabar-Madaxweyne.

Warar Keydmedia Online
Halkee marayaa dagaalkii Beledweyne?

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa socda dadaallo lagu xalinayo xiisad ka taagan Beledweyne, kadib markii dagaal culus oo ka dhacay Habeenkii Khamiista Xaafadda Kooshin.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Yuusuf Daba-Geed, oo ah Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle ayaa lagu eedeeyay inay ku duuleen Jufo katirsan Beesha Xawaadle, oo lagu magacaabo Yabar-Madaxweyne.

Odayaasha iyo Waxgaradka Jufada ayaa sheegay in loo adeegsadey duulaanka Xaafadda Kooshin Ciidanka dowladda ee saldhigooda yahay xerada Lama-Galaay, kuwaasoo madaafiic ku garaacey dadka shacabka ah.

Dagaalka ayaa dhexmaray malleeshiyo uu wato Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere iyo Ciidanka dowladda, waxaana ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira iyo barakac dadka degaanka ay sameeyeen. Xaaladda Beledweyne ayaa degan, iyadoo Ciidanka lakala qaadey.

Beledweyne waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashaddii Guudlaawe, oo dadka degan gobolka Hiiraan ay qaadaceen kadib markii la jebiyay heshiiskii awood-qeybsiga ee lagu dhisay HirShabeelle 2016.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.