Hanti-dhawrka oo ka hor yimid tallaabo ay qaadday XFS

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa ku eedeyay Wasaaradda Maaliyadda inaysan raacin tallooyinkii uu horay u siiyay xafiiska Hanti-dhawrka oo hore ula xiriiray.

Warar Keydmedia Online
Hanti-dhawrka oo ka hor yimid tallaabo ay qaadday XFS

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) oo mas’uul ka ah baarista hay'adaha Dowladda, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ku wargaliyay joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen 11/05/2022.

War ka soo baxay, Hantidhawrka Guud, ayaa lagu sheegay in Xeer-nidaamiyaha la ansixiyay uu ku jiraan khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo isla-markaana loo kor-joogteeyo hantida Ummadda.

“Taxaddar la'aanta ficilada Wasaaradda Maaliyadda iyo sharciga oo la baalmaro ayaa ah mid cuuryaaminaysa dadaalka ay DF ugu jirto dib u habaynta nidaamka maaliyadda dalka, kalsoonida hay'adaha maamulka maaliyadda lagu qabo, nidaamka dayn cafinta dalka iyo guud ahaan nidaamka Dowladnimada oo hadda soo kabanaya”. Ayaa lagu yiri warka.

Xafiiska Hantidhawrka Guud waxuu si adag ugu digay dhammaan hay'adaha iyo mas'uuliyiinta Dowladda in ay shaqada Dowladda ku maamulaan xeerar iyo shuruuc aan dhaqan-gal ahayn oo aan marin nidaamka soo saarista shuruucda iyo xeerarka.

Sidoo kale, Xafiiska Hantidhawrka Guud waxuu Wasaaradda Maaliyadda faray in ay si dhaqsa ah u joojiso isticmaalka iyo ku shaqaynta xeerarka aan dhaqan-galka ahayn, si deg deg ahna kaga saarto mareegta (website) Wasaaradda, ayna dib-u-eegis ku samayso xeerka iyadoo Wasaaraddu la tashanayso dhinacyada ay khuseyso lana mariyo nidaamka saxan.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.