HANTI-DHOWRAHA: Malaayiin dollar oo la lunsaday 2021-kii

Hanti dhowraha guud ee qaranka, Dr. Maxamed Cali Afgooye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin sanadle ah oo ku aadan hab maamulka maaliyadeed ee Dowladda ee sanadkii hore 2021.

Warar Keydmedia Online
HANTI-DHOWRAHA: Malaayiin dollar oo la lunsaday 2021-kii

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Hanti dhowrka guud oo soo saaray warbixin sannadle ah oo ku salaysan sannadkii 2021 ayaa sheegay in qaar kamid ah hay’adaha Dowladda ay fuliyeen mashaariic malaayiin dollar lagu bixiyay oo aan si daah-furan loo maamulin.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in heshiis deyn ah oo ku kacay $96 million oo dollar oo laga qaatay hay’adda IMF iyo bankiga dhexe ee dalka, aan la caddayn deyntaasi. Hantidhowruhu wuxuu sheegay in deyntaan uusan barlamaanka meelmarin, isagana aan lagu soo wargalin.

Warbixnta ka soo baxday xafiiska Hanti dhowrka guud waxaa sidoo kale lagu xusay in lacag gaareysa $16 million oo doollae oo la siiyay maamulka gobolka Banaadir, rugta ganacsiga iyo Bangiga Horumarinta aan loo marin habraaca sharciga maaliyadda dalka u yaalla.

Hanti dhowraha qaranku wuxuu sheegay in hay’adaha dowladda aysan lahayn qorshaha iibka qaranka ee sanadlaha isagoo sheegay in jiraan lacago lagu shubay koontooyin ka baxsan bangiga dhexe ee dowladda iyo deeqo lacageed oo laga helay dibadda oo aan lagu darin miisaaniyadda Dowladda.

HOOS KA AQRISO WARBIXINTA

 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.