Hay’ado ka tirsan QM oo maanta gaaray Baraawe

Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah gaaray degmada Baraawe ee Magaalo-madaxda u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Warar Keydmedia Online
Hay’ado ka tirsan QM oo maanta gaaray Baraawe

BARAAWE, Soomaaliya - Hay’adaha kala ah IOM, UN, OCHA iyo qaar kamid ah howl wadeenno heer caalami ah ayaa waxaa gegidda diyaaradaha Baraawe kusoo dhaweeyay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Mas’uuliyiinta Maamulka degmada & Saraakiil ka girsan ciidanka xoogga dalka & kuwa AMISOM.

U kuur gelidda xaaladaha guud ee ka jira Baraawe iyo degaannada hoos yimaada ayaa ah ujeedka wafdigan ay u gaareen.

Siidii oo wafdiga soo dhaweeyay ayaa tilmaamay in madaxda hay’adaha QM ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka si ay uga dhageystaan warbixin ku saabsan xaaladaha bani’aadannimo ee degmada iyo degaannada hoos yimaada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.