Hees: xornimo xiran!

Bashiir M. Xersi — Sida caadada ah bil walba, maanta oo kal 01/07 waxaa loo dabbaaldegaa, maalinta XORRIYADDA gobollada koorureed iyo midawga koofur iyo waqooyi.

Warar Keydmedia Online
Hees: xornimo xiran!

Munaasabad xushmad iyo maamuus mudan, haddii ay hirgali lahaayeen himilooyinkii loo igmay ama ugu yaraan aan dib loogu laaban lahayn gunnimo kale, kaba muhimsane, haddii dib loo haahaaban lahaan wixii dhumay, wixii dhacay iyo wixii dhinmay, balse, taa ma dhicin, ee waxaa baddalkeed la sii xoojiyey, qaybsanaanta, faquuqa, kala googo’a, kala sii fogaashaha iyo in reer walba dawlad gaar ah noqdo, tuuladiisana uu calal gaar ah ka taagto, haddaba, XORNIMDA sidaa ah.

Aniga Bashiir ahaan ma waxay iga mudan tahay inaan xuso, kaba muhimsane, ma dadka caynkaa ah miyaan garabkooda, guudkooda iyo geeskooda ka soo muuqan karaa anoo XORNIMO xusaya, saa marka ay iga dareeraan ayaa mid walbaa qabiilkiisii, jufadiisii iyo tuuladiisii dabada la galayaaye, anoo diiddan XORRIYAD beenaadkaa, ayaan sanadkii hore (2013) curshay heestan, oo aan markii u horreysay soo bandhigiyo, anoo leh, maanta waa loo bisil yahay, marka loo eego shalay, in kasta oo ay aniga isugu kay mid yihiin, heestu waxay ku billaabatay sidan;

 

Horta yaa xora?

Yaa xornimo mudan

Oo xaqeed hela

Loo xeraystaa?

 

ALLA XORNIMEEY

Maxaan ku xusaa?

haddaan xushmo iyo

Xurmo gaariyo

Xil laguu hayn?!

 

Wallee XORNIMEEY

Xaasidkaa badan

Xigtadaaduna

Xogba ma hayaan

Xigaalo kaleey

Heshiis iyo xeer

La xarriiqdeen!

 

Xuurto beeniyo

Xaglo Dalabliyo

Xamaasadan jirin

Yey ku xiijine

Runya xamashadu

Maysku xaal baa?.

 

Xaniif iyo Tuug

Xayraannada tuban

Maysku xaalbaa

Maysku xukunbaa?

 

Xeebta CURUBiyo

XARAMkii iyo

Hoyga XALANiyo

Xanan Buur iyo

Xaafuun iyo

Xarar dheeriyo

Gal Xinlebi iyo

XAMAR XOR ma tahay?!

 

XARAR hoos yaal

Oodan XANAFTIIS

Ku xanuunsan

Xarbigiisii

Waad ku xiiqdaye

XOR ma tahay wali?!

 

XUKUUMADO aan

Xuduudahannaga

Xoog u helinoo

Xaafadaha XAMAR

Xarar yaalliyo

Buulo Xuubeey

Xamarweyniyo

Xirka Hodaniyo

Dhaafin xaruntood

Haw u xiisine!

Ma XOR baa XAMAR?!

 

Dhul xaraashoo

Oon la kala xigin

Caddaanku xukumo

Madow xaabiyo

Xabaal ka dhigeen

Xornimada taal

Xamxam sheekiyo

Ma XAN uun baa?.

 

XAWL mariid go’an

XINJIR qubanee

LAFO xarafsanoo

XURMO laga tiray

Kan XUMAANTAA

Kul dul XARRAGOON

Horta ma XORbaa?

 

Xakiim dheeriyo

Dayday xorodsita

Xabbad mooyee

Aan xal kale hayn

Xerta tuugtiyo

Xukun diidkaa

Xaawoleydiyo

Dumar xaasiyo

Cirroolaha xima

Xumaantuu baday

Yaa ka xaalsiin?.

 

Haddaan xarig iyo

Xabsi lala dhigin

Oo xisaab jirin

Xornimada taal

Xamxam sheekiyo

Ma XAN uun baa?.

 

Adoon XARAM tagin

XAJKA soo marin

XAARAAN quute ah

XATOOYO u nool

XALAY dhalay iyo

Xareed loogu mayr

Xariif ma noqdaa?.

 

Ardadii Xaraf

Xalqo iyo DIIN

Casharro xifdiyey

XUQUUQ ma lahoo

Haddaan XAQba jirin

XORNIMAda taal

Xamxam sheekiyo

Ma XAN uun baa?!

 

Aqoon xeesheed

Nin xagaa hore

Xaddigeed maray

XALANE u tagey

Qalin iyo xeer

Ku xabeebsaday

Xarafna ka hayn

Xirribya Garaad

Xog iyo ogaal

Xirfadna lahayn

Xisku maran yahey

Horta ma XOR baa?

 

Qabiillo is xiga

Oo xigsiinna ah

Is ximximayoo

Is xumeeyoo

Is xakaariyey

Xoolo kala dhacay

Oo xawaarayn

Xusuuq iyo layn

Xaal isaga dhigay

Horta ma XOR baa?.

 

Waa su’aal xiran

Oo xikaayo ah

Hal-xiraaliyo

Sheeka xeel-dheer

Oon xal loo lahayn

Xiska maqalkiyo

Xakamaha geli!

 

Gobol kala xiran

Degmo xayndaab

Xadad kala loo

Xaabo lagu xiray

Maamul xeeriyo

Xargo goostoo

Xaajo beeloo

Boqol Xaakimi

Midba xeel lehi

Xasaasiyadiyo

Xuurta geliyeen

XOR miyuu noqon?.

 

Waqooyi xaqiiq

Lixdankii Xamar

Xasuus iyo xilal

Midnimo xuskeed

Xilkeedii dhige

Xabiibnimadii

Xilkasnimadii

Wayska xoortoo

Midaw xadafyoo

Goon ka xagayee

Horta yaa XORA?.

 

Xornimo nin raba

Isxagxagshiyo

Xiisad muran iyo

Xasarado iyo

Xusulduub beel

Asoon xor ka noqon

XORNIMO ha sugin!

 

Haddaan xeerkiyo

Xidid dhawrkiyo

Xila gudashiyo

Xuma diidkiyo

Xeerar dhigashiyo

Xaq u dirirkiyo

Xawdka kii wacan

Xareed laga cabin

Xuja gaariyo

Isxagxagashada

Xiisad laga harin

Xalaal quudkiyo

Xirfad lagu socon

XORNIMO ha sugin!

 

Xaalad lagu jiro

Xayska maanta ah

Rabboo xasilshoo

Xaqu soo dego

Oo la soo xulo

XEER beegtiyo

Xoon Garaaddaa

Haddaan XAALIYE

Xalaala la helin

XORNIMO ha sugin!

 

Haddaan xaajiyo

Xanaanayn iyo

Xamdi gaariyo

Xanaf li’i iyo

Xasanaado iyo

Xalaal quud iyo

Xirfad lagu socon

Xornimo ha sugin!

 

Xayska eraygiyo

Xa’da maansada

Haddaan soo xiro

Qofbow xaalkaa

Bulshoy xeerkaa

Iyo xeradaa

Ama xididkaa

Iyo xiinkaa!

 

Adoon XARAF jaban

XAFLADO ka tirin

Xuurto iyo hees

Ha ku xiiqine

XIS shaqeeyoo

Xasuustii hore

XABADka ku haya

Xaaladaha jira

Isku xiri karin

Xagaagii hore

Xalka maanta ah

Xoorka aan sugi

Adoon xaalayn

Oon xuskeed baran

Haysku xaadirin!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
[url=http://bilediraac.wordpress.com/]http://bilediraac.wordpress.com/[/url]

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.