Helicopter-ro shabaab ku u gaarsanaya Muqdisho.

Muqdisho (Keydmedia) - Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo aan la’ogeyn dalka ay kadiiwaan gashanyihiin ayaa waxa ay kabilaabeen Muqdisho u gaarsiga kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Diyaaradahaan ayaa waxa ay shalay bilaabeen in ay dusha sare ka heehaabaan goobaha Shabaabku ay uga xooganyihiin Muqdisho, iyaga oo si gaar ah u dul marayay agagaagra Qabuurihii Talyaaniga ee degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir oo ay saldhig weyn ku leeyihiin kooxdu.

Shalay waxaa shabaabku ay  lidka diyaradaha ku weerareen diyaradahaas, hasa yeeshee, waxaa saaka hadana diyaaraduhu ay gaaf wareeg ka bilaabeen isla halkii shalay ay heehaabayeen, waxaana dadka deegaanku xaqiijiyeen in sarakiisha Shabaabka ee halkaasi joogaahi cabsi xooggan  ay soo wajahday qaarkoodan xalay ay u baxsadeen gobalada dalka.

Horay ayaa diyaarado nuucaan oo kale ah waxa ay Al-shabaab ku beegsadeen magaalada Marka, iyada oo sidoo kalana laxsuusto dilkii diyarad Helicopter ay u geysatay Saalax Cali Nabhaan oo kamid ahaa ajaanibta Shabaabka kamid ah.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.