HIIRAAN: Dowladda oo su’aalo weydiineysa taliyayaal ciidan

Kadib is eedeynta masuuliyiinta gobolka Hiiraan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ugu yeertay Taliyayaasha Booliska iyo Nabad-sugida Gobolka Hiiraan, si wax looga weydiiyo qaraxyadii Isniintii gilgilay Baladweyne.

Warar Keydmedia Online
HIIRAAN: Dowladda oo su’aalo weydiineysa taliyayaal ciidan

BALADWEYNE, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan ilo loo qaateen ah Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Saraakiisha ugu sarreysa Hay’adda NISA iyo Booliska Gobolka Hiiraan in ay yimaadaan Muqdisho, si wax looga weydiiyo qaraxyadii Isniintii ka dhacay Baladweyne.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col Isxaaq Cali Cubdulle oo dhawaan ay eedo xooggan hawada isku mariyeen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, ayaa hadda ku sugan Caasimadda waxaana la tilmaamay in su’aalo lagu weydiinayo CID.

Gudoomiye Jeyte oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa ku eedeeyey taliyeyaasha Nabad-sugidda iyo Booliiska Gobolka iney kasoo bixi waayeen hawshii loo igmadey ee aheyd xuuraanka iyo soo gudbinta siraha si loogga hortago.

Taliyaha Booliska ee Gobolka Col Isxaaq ayaa dhankiisa Guddoomiyaha ku eedeeyay in uusan wax wada-shaqayn ah la lahayn Booliska iyo Nabad-sugidda, isla-markaana uu kaligiis afka ku shubtay dhaqaalihii lagu sugi lahaa amniga gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo hadda ku sugan Baladweyne ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ku eedeyay inuu kala qeybiyay dadka ku dhaqan magaalada, isla-markaana uu dadka galbeedka daggan ku suntay in ay Al-Shabaab yihiin.

Ku dhawaad 30 ruux oo ay ku jiraan Wasiirkii Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle Sakariye Maxamed Axmed (Hurre) iyo Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka & Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey ayaa ku geeriyooday qaraxyadii Isniinta.

Baladweyne waxa ay xuddun u tahay howl-gallada gobolka Hiiraan looga xoreynayo Kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo billowgii sanadkaan ka dhacay qaraxyadii ugu badnaa oo ay qeyb ka yihiin kuwo siyaasadeed oo lagu dilay dad indhaha bulshada ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.