Hiiraan :Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowlada oo kala shakisan

Hiiraan(keydmedia) Wararka laga helayo duleedka Gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Kala beer ayaa sheegaya in halkaasi xiligan uu ka jira kala shaki balaaran oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada ee ku wada sugan Kalabeerka.
Warar Keydmedia Online

Kala shakiga labada dhan ayaa yimid kadib markii todobaadyo ka hor ciidamaad Itoobiyaanka ee ku sugan kalabeerka Hiiraan ay toogteen 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada taasoo sababtay in ciidamada dowlada ay dhiifoonaan dheeri ah muujiyaan.

Xurgufta u dhaxeysa labada dhan ayaa sababtay in ciidamada Itoobiyaanka ay hakad galiyaan dhaq dhaqaaqa gaadiika dadweynaha ee u kala goosha gobalada dhexe iyo gobalka Hiiraan.

www.keydmedia

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.