Hindi ku xirneed Muqdisho oo dalkooda u socdaashay

Muqdisho(keydmedia) Muwaadiniin u dhashay Dalka Hindiya oo ay maxkamada Gobalka Banaadir xabsi ku xukuntay ayaa maanta ka shareecday Muqdisho kadib markii ay iibsadeen xabsiga.
Warar Keydmedia Online

Shaqaalahan Hindida ah ayaa tiradooda waxa ay aheyd 14 iyadoona sii deentooda laga qaaday 54 Milyan oo doolar iyadoona doontii ay wateen laga qaaday 4-kun oo doolar.

Xariga muwaadiniinta Hindida ah ayaa ka danbeeyay kadib markii lagu qabtay dhuxul ay mamnuuceen dhoofinteeda golaha wasiirada dhawaan.

Shaqaalaha dakada ayaa u xaqiijiyay keydmedia in shaqaalihii Hindida ahaa iyaga oo bad qaba ay saakay ka shareecdeen dekada.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.