Hogaamiyaha Al-qaacida oo ku faanay awooda Shabaabka Soomaaliya

Tooraboora (Keydmedia) Hogaamiyaha ururka Al-qaacida Osama Bin ladin ayaa ugu goodiyay dowlada Faransiiska haddii ay kala bixi weyso ciidamada Dalka Afgaanistaan in la qaraajin doono la heystayaal Faransiis ah oo qaarkood lagu hayo Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Kooxda Qaacida ee uu hogaamiyo Osaama ayaa ku sugan qeyba badan oo dunida ah waxaana ay gacanta ku hayaan iminka la heystayaal u dhashay Dalka farnsa oo tiradooda ay gaareyso sideed.

Muwaadiniinta Faransa ayaa lagu kala hayaa Niger oo 5 la heysta ay ku suganyihiin, Afgaanistaan oo 2 lagu hayo iyo Shabaabka Soomaaliya oo gacanta ku haya hal muwaadin oo la taliya dhinaca ammaanka u ahaa dowlada Soomaaliya oo laga afduubay Hotel Saxafi sanadkii 2009-kii.

Osaama ayaa ku sheegay arinkan cajalad maqal ah oo la soo dhigay bar internet-ka ah oo ay Alqaacida maamusho, waxaana tani daboolka ay ka qaadeysaa kalsoonida Balaaran ee ka dhaxeysa Alqaacidada Caalamka iyo Shabaabka Soomaaliya, iyadoo kol horaba la ogaa in shabaabka ay ka bar bar dagaalamaan saraakiil ka tirsan ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyo Osaama Bin ladin isla markaana shabaabka ay ka tala qaataan Osaama iyo kooxdiisa.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.