Hogaamiyeyaal ajnabi ah oo Al-Shabaab looga dilay Galmudug

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay shacabka Baxdo sida ay uga hortageen Al-Shabaab, isagoo xusay in Al-Shabaab loo dhigay cashar lama-illoobaan ah, oo ay xasuusan doonaan.

Warar Keydmedia Online
Hogaamiyeyaal ajnabi ah oo Al-Shabaab looga dilay Galmudug

BAXDO, Soomaaliya – Dagaal dhiig badan ku daatay ayaa shalay waaberigii ka dhacay degaanka Baxdo, oo qiyaastii 60KM u jira magaaladda Cadaado, ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu ahaa duulaan dhinacyo badan Al-Shabaab uga soo qaadeen degaanka, kaasoo ay Kooxda ku doonaysay inay ku qabsato, maadaama uu muhiim u yahay la wareegista degmooyinka.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay in dagaalka lagu jebiyay Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaaro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in 70 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalka, kuwaasoo ay kamid yihiin saddex hogaamiye, oo ajnabi ah, oo aan wali la ogaan dalalka ay kasoo jeedaan.

Qoor-Qoor ayaa ku tilmaamay  dagaalka mid taariikhi ah, ku bogaadiyay reer Baxdo geesinimada ay muujiyeen, ee tusaalaha u noqonaya shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug, kuwa dowladda Soomaaliye ee Danab iyo NISA oo kaashanaya dadka degaanka ee hubeysan ayaa iska caabiyay duulaan Al-Shabaab ee Baxdo.

Afar gaari oo qaraxyo lagu soo xiray ayaa la qabtay kahor inta aysan qarxin, waxaana wadooyinka Baxdo lagu soo bandhigay meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab, ee la dilay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay shacabka Baxdo sida ay uga hortageen Al-Shabaab, isagoo xusay in Al-Shabaab loo dhigay cashar lama-illoobaan ah, oo ay xasuusan doonaan.

Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii tagey dagaallo ka wadey Galgaduud iyo Mudug, iyadoo Kooxda isku dayaysa inay la wareegto goobaha muhiimka u ah inay kasoo baabusho weerarada magaalooyinka waaweyn ee Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.