Hoteelada muqdisho oo Maxkamad loogu hanjabay

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Taliska Booliska dowlada KMG ah ayaa ugu hanjabay maamulada Hoteelada Magaalada Muqdisho in la maxkamadeyn doono hoteelkii lagu qabto shir aanay dowlada ka war qabin.
Warar Keydmedia Online

Taliyaha ciidamada booliska Shariif Shiikhunaa Maye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gudiga amniga dowlada ay go’aansadeen in ay talaabo ka qaadaan maamulada Hoteelada Muqdisho haddii ay u hogaansami waayaan  amarka.

Arintan ayaa u muuqata mid looga hortagyo shirarka is khilaafsan ee maalin walba ka dhaca Hoteelada magaalada muqdisho kuwaasoo natiijadooda ay noqoto is maandhaaf iyo hadalo aan macna badan laheyn oo warbaahinta leysu mariyo.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.