Howlgal hubka dhigis ah oo ka dhacay Boosaaso

Boosaaso ayaa waxaa ka dhaca inta badan weeraro ay ka dambeeyaan Al-Shabaab iyo Daacish oo saldhigyo ku leh buuraha Golis iyo Galgala, oo aan magaaladda ka fogeyn.

Warar Keydmedia Online
Howlgal hubka dhigis ah oo ka dhacay Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada Maamulka Puntland ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay magaaladda Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kadib markii ay kusoo kordheen falalka amni darro.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in ujeedka howlgallada ay ahaayeen xaqiijinta amniga, waxaana ay Ciidanka qabteen hub si sharci darro ah loogu dhex haystay magaaladda.

Ciidamada ayaa intii ay howlgallada ku guda jireen gaadiidka sida gaarka loo leeyahay ka fiiqayeen muraayadaha macda madow ee Beesalka, oo horey looga mamnuucay degaanada Puntland.

Boosaaso ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto doorashadda Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, oo Maamul goboleed kasta labo magaallo oo kamid ah lagu qabanayo, sida uu dhigayo heshiiskii doorashadda ay Farmaajo iyo Madax Goboleedyada ku gaareen 17-kii September magaaladda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.