Howlgal ka billowday Sh/Dhexe kadib weerarkii Ceel-Baraf

Weerarka degaanka Ceel-Baraf ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 30 askari oo u dhashay dalka Burundi, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo wali nolosha lagu la'yahay.

Warar Keydmedia Online
Howlgal ka billowday Sh/Dhexe kadib weerarkii Ceel-Baraf

CEEL-BARAF, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa howlgallo ka billaabey duleedka Ceel-Baraf, kadib weerarkii lagu laayay Askarta Burundi Subixii Talaadada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ah ay isku dayayaan inay dib ula wareegaan saldhiigii la weeraray, oo Al-Shabaab ku sugan, waxaana dadka degaanka ay muujinayaan cabsi dagaal.

Al-Shabaab ayaa saldhigga cagta marisay kadib weerar ku billowday qaraxyo baabuur, kuwaasoo dhaliyay khasaaro badan, oo askarta Burundi soo gaartay, waxaana illaa sii kordhaya dhimashadda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa adeegsaday saddex gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo mid ka mid ah uu ku dhacay meel god ah. Waxay qarxiyeen labo gaari oo kale oo kuwa xamuulka ah, oo saarnaa ilaa 20 kiilogaram oo walxaha qarxa ah.

Kadib qaraxyada, ku dhawaad 450 dagaalyahan ayaa xerada galay. Xogaha KON heshay ayaa sheegaya in qaraxyada ismiidaaminta ah ay geysteen khasaaraha ugu badan.

Sargaalka u hadlay Burundi ayaa VOA u sheegay in askarta ATMIS ay hayeen xog sirdoon oo sheegaysa in xoogaga Al-Shabaab ay isku uruursanayeen tuulo u dhow Ceel-Baraf, 48 saac ka hor weerarka.

Ciidanka Burundi ayaa u diyaar garoobay sidii ay isaga difaaci lahaayeen, iyagoo dhufeysyo qotay. Laakiin, qaraxyada ay ku rideen argagax, keenay inay kala cararaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.