Howlgal lagu dilay Ajaanib katirsanaa Al-Shabaab

Howlgalkan ayaa ka dhacay Sablaale oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu bartilmaameedsadey saldhig wayn oo Al-Shabaab ku leedahay degmada.

Warar Keydmedia Online
Howlgal lagu dilay Ajaanib katirsanaa Al-Shabaab

SABLAALE, Soomaaliya - Kumaandooska DANAB ayaa ka fuliyay howlgal qorsheysan degmada Sablaale, kaasoo ay ku dileen 17 kamid ahaa Al-Shabaab, oo Saraakiil sare ku jiraan.

Afhayeen u hadlay Ciidanka ayaa shaaciyay in dagaal kooban oo ka dhacay saldhigga ay weerareen lagu dilay Suleymaan Abuu Maxfuud oo u dhashay Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo kasoo jeeda Suuriya oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Amniga Xerada, iyo Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta Malleeshiyaadka.

Dhanka Ciidanka, wuxuu sheegay Afhayeenka inay uga dhinteen dhowr askari, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo ka gaabsadey inuu soo bandhigo tirada. Dadka degaanka ayaa sheegay in DANAB dib uga baxeen goobta kadib howlgalka.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin wali howlgalka Sablaale, oo kusoo beegmaya xili gobolka ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo Mareykanka uu Ciidankiisa ugala soo baxayo Soomaaliya kadib markii Trump uu bixiyay amarka dib u gurashadda.

Danab oo la aas-aasay 2013 ayaa waxaa soo wajahay hubanti la'aan howlgalladooda mustaqbalka, maadaama ay ka tagayaan Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku hayay dhinaca tababarka, mushaarka iyo qalabka ka taageerayay. [Halkan ka akhri warbixin]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.