Howlgalkii G/Hiiraan oo dhabar-jab ku dhacday

Labada degaan ayaa kamid ahaa meelaha sida aadka loogu baab'ay xoreyntooda, iyadoo dowladda askar badan ku waysay.

Warar Keydmedia Online
Howlgalkii G/Hiiraan oo dhabar-jab ku dhacday

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Labo degaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan ayaa dib ugu laabtay gacanta Al-Shabaab, kadib markii si fudud ay isaga baxeen Ciidanka dowladda iyo Macawiisleey.

Yasooman iyo Moqokori, oo ku yaalla gobolka dagaalka ugu culus Al-Shabaab lagula galay, ayaa hadda ka baxay gacanta dowladda, waxaana khatar soo wajahday dadkii degaanka ee taageeray howlgalka militeri.

Dagaalka waxuu u muuqdaa mid xowligii ku socday gaabis ku imaanaya, maadaama degaanno laga soo baxayo, oo Saraakiil muhiim ah iyo Oday dhaqameen lagu dilay weeraradii ugu dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa ku dishay gobolka Hiiraan Cilmi Hagar oo kamid ahaa Odayaashii dhaqanka ee abaabulay dadka degaanka ee kacdoonka sameeyay, kaasoo Todobaadkii hore ku dhintay qarax ka dhacay Ceel-Qooxle.

Labo Maalin kadib, Al-Shabaab waxay nawaaxiga Basra ku dishay Jen Farxaan Qaroole, oo ahaa taliyaha booliska Muqdisho, xili uu ka qeyb-qaadanayay howlgal kooxda looga saarayay degaanno.

Lama oga sababta keentay dib u gurashadda Ciidanka, iyadoo tallaabadan ay niyad-jab ku noqotay dadkii dagaalka ka qeyb qaadanayay, oo degaanka, kuwaasoo hadii ay baxaan askarta Al-Shabaab ay dilayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.