Human Rights Watch: Kufsi iyo Xad-gudubyo ayaa weli ka jira Muqdisho

Muqdisho (KON) - Sida saraakiisha hay’ada xaquuqda aadanaha Human Rights Watch ay sheegeen, xadgudubyada loo geesto Barakacayaasha ayaa waxaa geysanaya rag hubeysn oo ku lebisan dareeska Ciidanka dowlada Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Warbixinta ayaa tilmaameysa in Haweenka inta badan ka barakacay Gaajada iyo colaada ee ku jira xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho ayaa hadana waxaa la sheegaya in si weyn ay kaga cabanayaan kufsi iyo dhac loo geysto.

Hay’ada Human Rights Watch oo warbixintaan diyaarisay,islamarkaana ay baahisay BBC-da ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in rag ku lebisan dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya ay dhibaato lixaad leh ay ku hayaan dadka barakacay ee ku jira xerooyinka Muqdisho gaar ahaan haweenka oo inta badan dhibaatooyinkaan u nugul.

Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysaaa in Xukuumada cusub ee awooda qabatay bishii Septembar ee sanadkii tagay ayaa la tilmaamay inay sameysay hormar aan sidaasi u sii buurneyn oo wax looga qabanayo arintaan oo ay sheegeen dhulka Soomaaliya ay ku baahday.

“Baaritaan aan sameynay ayaa ku ogaanay dhibaatooyinka dhaca iyo kufsiga ee ka jira kaamamka barakacayaasha ee Muqdisho”sidaasi waxaa sheegay Mr David Mepham oo ah agaasimaha xaquuqda aadanaha ee Britain.

Kooxda ayaa sheegtay in maamulayaasha xeryaha, oo inta badan xiriir la leh ragga hubaysan ay weecsadaan cuntada iyo gargaarka kale.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.