Idaacadda Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyay

Saraakiisha amniga gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ugu yaraan 4 gantaal ay ku dhaceen xarunta Idaacadda oo ku taalla degmada Kunya-Barrow.

Warar Keydmedia Online
Idaacadda Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka [Drones], ayaa duqeeyay xarunta Idaacadda Al-Furqaan, oo ku taalla degmada Kunya-Barrow oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Idaacadda ayaa xiliga la duqeynayay waxaa ku sugnaa wariyeyaal dhowr ah, iyadoo markaasna ay hawada ku jirtay, islamarkaana baahinaysay barnaamijyadda iyo wararka lagu buun-buuniyo weerarada Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 gantaal ayaa ku dhacay dhismaha Idaacadda degan tahay, waxaana la sheegay inuu ku burburay weerarka oo ahaa mid culus, waxaana qaraxyadda laga maqlay dhowr degaan oo ku dhaw Kunya-Barrow.

Militeriga Mareykanka iyo Al-Shabaab midna kama hadlin duqeynta oo kusoo beegmaysa xili bishan ay Ciidanka Ameerikaanka ka baxayaan wadanka, loona wareejinayo Jabuuti iyo Kenya.

Trump ayaa Dec. bixiyay amarka Ciidanka ka socda dalkiisa looga soo qaadayo Soomaaliya, waxaana taliska Afrika ee AFRICOM sheegay inuusan joogsan doonin duqeymaha drones-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.