IGAD iyo Midowga Afrika oo ka hadlay weerarkii saldhigga ATMIS

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxdan fallaagada ah ee xiriirka la leh argagixisada al-Qaacida, ayaa weeraro badan oo dhimasho iyo dhaawac leh ku qaaday saldhigyada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
IGAD iyo Midowga Afrika oo ka hadlay weerarkii saldhigga ATMIS

JABUUTI - Urur goboleedka IGAD, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagaxiso ee ay ku qaadeen Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Xoghayaha fulinta IGAD Workneh Gebeyehu ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ciidamada nabad ilaalinta, dowladaha, iyo shacabka Burundi iyo Soomaaliya kadib weerarkii Talaadadii isagoo u rajeeyay kuwa dhaawaca ah in ay bogsadaan.

IGAD waxay kalsooni ku qabtaa in weerarradan aysan waxba u dhimi doonin, waxna ka bedeli doonin go’aanka IGAD iyo saaxiibada caalamka ee ah inay taageeraan dadka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad iyo xasillooni waarta,' ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka IGAD kasoo baxay Gebeyehu.

Burundi ayaa Arbacadii sheegtay in 10 ka mid ah ciidamadeeda nabad ilaalinta ah lagu dilay, shan kalena lagu la'yahay weerar ay Al-shabaab subaxnimadii Talaadada ku qaadeen fariisin ay ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellada Hoose.

25 ka mid ah askarta Burundi ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarka, sida uu hadalka u yiri afhayeenka ciidamada Col. Floribert Biyereke.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxdan fallaagada ah ee xiriirka la leh argagixisada al-Qaacida, ayaa weeraro badan oo dhimasho iyo dhaawac leh ku qaaday saldhigyada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dhankiisa, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa ku nuux-nuuxsaday in dhacdooyinka noocan oo kale ah aysan dib u dhigi doonin howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.