Urur-ka IGAD oo taageeray in Soomaaliya loo fasaxo hubka

Warka ka soo baxay Dowladda waxaa lagu xusay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Gobolleedka ay aqbaleen codsiga uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) taasoo abuureysa yididiilo hor leh.

Warar Keydmedia Online
Urur-ka IGAD oo taageeray in Soomaaliya loo fasaxo hubka

KHARTOUM, Suudaan – Sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, Urur gobolleedka IGAD ayaa taageeray dadaallada Dowladda Federaalka ku dooneyso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee waqtiga dheer saaran waddankaan dhaca geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac oo ka qeyb galay Kal-fadhigii 48-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo shalay ka dhacay Khartoum ayaa sheegay in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha Dowladda ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah.

Wasiir Abshir Haruuse wuxuu Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ka codsaday in IGAD ay garab istaag buuxa siiso qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta dhinaca hubka ah.

Warka ka soo baxay Dowladda waxaa lagu xusay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Gobolleedka ay aqbaleen codsiga uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) taasoo abuureysa yididiilo hor leh.

Dhinaca kale Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah loogu qeybiyo dalalka ku mideysan Ururuka.

Soomaaliya ayaa ku andacootay in  iyadoo ka mid ah dalalkii asaasay ururka aysan hellin saamigii ay xaqqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba, taasoo loo aaneynayo doonasho la’aan iyo in Soomaalidu soo dhaafi la’adahay siyaasadda gudaha.

“Soomaaliya ayaa kaashanaysa Ururrada ay xubinta ka tahay, sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshahaDowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaaliya.

IGAD waa Urur Gobolleed ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Somalia, iyo Uganda, waxaa iskaashi dhow kala dhexeeyaa Midowga Yurub, Germany, Denmark, Netherlands, USA, Norway, Sweden, Italy, Canada Japan iyo dalal kale.

Bishii hore Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, hayeeshee, dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ayaan qeyb ka ahayn 11 waddan ee kale ee ansixiyay in la sii dheereeyo cunaqabateynta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.