Imaaciil Cumar Geelle oo ‘dhulka ku jiiday’ Farmaajo

Hadalkaan oo si weyn la iskula dhex maray ayaa lagu macneeyay inuu Madaxweynaha Jabuuti u waday Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo ku suntanaa af-garoocnimo iyo ka cabsashada Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki taasoo xilligiisii haadaan ka tuurtay dalka.

Warar Keydmedia Online
Imaaciil Cumar Geelle oo ‘dhulka ku jiiday’ Farmaajo

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhiggiisa Soomaaliya kala qeyb galay Xasan Sheekh Maxamuud soo af-meeridda shirkii Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, ayaa si duur-xul ah dhulka ugu jiiday Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku ammaanay uguna hambalyeeyey Xasan Sheekh, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab iyo degaannada laga xoreeyey muddada kooban ee afarta bil ah.

Geelle wuxuu ka dhawaajiyay hadal si weyn loo hadal hayo oo ah in hadda xilka ugu sarreeya dalka uu qabtay hoggaamiye cod kar ah oo waxii uu doonayo ka dhaadhicin kara dadkiisa iyo caalam-kaba, taasina suura galisay guulaha dhan kasta ah ee la gaaray.

“Ninka hadal yaqaanka ah kolka uu meesha yimaado gartiisa sidii uu doonayay ayuu u meel marsadaa, Xasan Sheekh sidaas ayuu noqday oo buuro, gidaarro iyo cadow badan ayuu dumiyay, maanta waa la toosay dadkii dhinac ayuu wadajeedaa” ayuu yiri MW Geelle.

Hadalkaan oo si weyn la iskula dhex maray ayaa lagu macneeyay inuu Madaxweynaha Jabuuti u waday Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo ku suntanaa af-garoocnimo iyo ka cabsashada Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki taasoo xilligiisii haadaan ka tuurtay dalka.

Farmaajo ma uusan ahayn af-tahan, hadal yaqaan ah oo dadka deeqsiin kara hadalka, wuxuu ahaa af-garooc aan warka karin, shigshiga oo xitaa qoraalka waraaqda ku qoran aan aqrin karin, halka Xasan Sheekh ku tilmaaman yahay af-tahan si sahlan u kara ereyada.

Farmaajo isagoo u daneynaya Eritrea ayuu dagaal siyaasadeed la galay Jabuuti, yeelkeede taas baddelkeeda Xasan Sheekh wuxuu durba meesha meesha ka saaray siyaasaddii colleytanka, wuxuu dib u soo celiyay siyaasaddii walaaltinnimada ku dhisneed ee Jabuuti.

Xog ay heshay Keydmedia Online waxay caddeyneysaa in MW Geelle saameyn xooggan ku lahaa go’aannadii ay darafka Farmaajo u banneeyeen 2021-kii Ra’iisul Wasaarihii hore Maaxamed Xuseen Rooble iyo Talihihii booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar (Joon).

Ra’iisul Wasaare Rooble oo door muuqata ka ciyaaray hirgalintii doorashooyinka oo uu isagu garwadeyn ka aha ayay KON fahansan tahay inuu durba saldhig ka dhigtay Jabuuti halka Saadaq Joon uu dhawaan guursaday gabar uu dhalay Ismaaciil Cumar Geelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.