Imaam Cumar Macalin “hala soo celiyo dadkii ka barakacay Cadaado”

Muqdisho(Keydmedia) Duqowda iyo wax garadka ka soo jeeda deegaanka cadaado oo uu ka taliyo maamulka ximan iyo xeeb ayaa dalbaday in si deg deg ah loo soo celiyo dadkii ku barkacay dagaaladii dhawaan ka dhacay cadaado.
Warar Keydmedia Online

Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah odayaasha ku abtirsada deegaanka cadaado ayaa ka dalbaday maamulka deegaankaasi in ay u istaagaan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ku barakacay dagaalada si ay nolasha dadkaasi caadi ugu soo laabato.

Cadaado ayaa labada todobaad ka hor waxaa ka dhacay dagaal dhex maray Ahlu-suna iyo maamulka ximan iyo xeeb iyadoona dagaalkaasi laga dhaxlay is ugaarsi sababay in dhawr qof siyaaba kale duwan loogu dilo degmada.

Maamulka deegaankaasi ayaa markii amni darada ay xoogeysatay war uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu xilka ka tagi doono wallow markii danbe uu dib uga laabtay arinkaasi.

WWW.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.