IMF: Hadii doorashada daahdo waxaa joogsanaya Mushaarka Ciidanka DF

Barnaamijka miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar, ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
IMF: Hadii doorashada daahdo waxaa joogsanaya Mushaarka Ciidanka DF

MUQDISHO, Soomalaiya - Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay joojin doonto bixinta Mushaaraadka Ciidamada Soomaaliya iyo adeegyada kale ee muhiimka ah wixii ka dambeeya bisha May haddii ay jiraan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada dalka, oo tan iyo 2021 lagu dhameystiri la'yahay.

Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen tan iyo 1991-kii, waxay ku tiirsan tahay kaalmada Beesha Caalamka, iyadoo IMF iyo Bangiga Adduunka ay ka shaqeynayeen sidii dalka looga cafin lahaa deymo dhaqaale oo ka badan 5 bilyan oo dollar.

Barnaamijka miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar, ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya.

Wuxuu barnaamijkan qarka u saaran yahay in la joojiyo, haddii aysan jirin dowlad cusub illaa 17ka May, Laura Jaramillo, oo ah madaxa hay'adda u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sidaas u sheegtay Reuters.

Waxay saameyn ku yeelan doontaa amniga Soomaaliya iyo taageeradda IMF hadii doorashooyinka dib u dhac kale ku yimaado, oo ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu heshiiyay ee 25-ka Febuary," ayay tiri Laura Jaramillo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beileh, ayaa diiday hadalkan, isagoo yiri: "Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka deyn-cafinta iyo taageeradda Caalamka."

Doorashada ayaa la qorsheeyay sanad ka hor balse dib u dhac ayaa ku yimid markii Farmaajo isku dayay labo jeer inuu afgembi sameeyo 2021, iyadoo khilaaf cusub ka abuurey dalka, kaasoo xoogiisa u dhaxeeya isaga iyo RW Rooble, oo awoodda isku haya.

Doorashadda Xildhibaanada, ee dooran doona Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxay bilaabatay 1-dii November 2021. Waxay ahayd inay dhammaato 24-ka December 2021, laakiin dib u dhaca ayaa ku yimid dhowr jeer, waxaana hadda laga cabsi qabaa in Feb 25 kusoo dhamaan wayso.

Dib u dhaca oo sii gelinaya dalka hubanti la'aan mutaqbalkiisa, ayaa durba saameyn ku yeeshay dhaqaalaha.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay $170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore, balse kaliya ay heshay $38 milyan.

Haddii barnaamijka taageeradda dhaqaale IMF joogsado, wuxuu hakin doona safarka Soomaaliya ee deyn cafinta. Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan, halka ay ka ahayd $5.2 bilyan markii hore.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kordhay 2% sanadkii hore, Waxaana la filayaa korar 3.2% sanadkan haddii caqabadaha siyaasadeed la xaliyo, sida ay IMF sheegtay.

Barnaamijka deyn cafinta ayaa u suurtageliyay dowladda in ay waddo qorshe lacag caddaan ah loogu wareejinayo qoysaska nugul ee la dagaallamaya abaaraha, COVID-19 iyo amni-darrada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.