Ganaaxa qofkaan xiran af-xirka oo la shaaciyay

Dad gaaraya 326 qof ayuu COVID-19 ku dilay Soomaaliya tan iyo sanadkii tagey.

Warar Keydmedia Online
Ganaaxa qofkaan xiran af-xirka oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in $5 la qanaaxayo qofkii u hogaansami waayo amarka cusub ee xirashadda af-xirka goobaha dadka isagu yimaado iyo gaadiidka BL-ka.

Af-xirka wuxuu halkii xabo Farmashiga ka joogaa $0.5 oo u dhiganta 12,000 oo Shilin Somaali ah, waxaana adag dadkii dhan inay wada helaan marka la eega xagga dhaqaalaha shacabka.

Su'aallaha la is waydiinayo ayaa ah yaa dhaqan-gelin doono amarkan, maadaama jidadka iyo xaafadaha aysan joogin Ciidan dadka ku ilaalinaya xirashadda af-xirka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inuu aad u kordhay kiisaska COVID-19, waxaana loo malaynayaa inuu dalka soo galay nooca cusub ee Virus-ka oo ka yimid UK iyo South Africa.

Dad gaaraya 326 qof ayuu COVID-19 ku dilay Soomaaliya tan iyo sanadkii tagey, iyadoo tirada intaasi ka badan karta maadaama Wasaaradda Caafimaadka ay diiwaan geliso oo kaliya dadka ku dhinta Martiini.

Soomaaliya oo mudo 30 sano kusoo jirtay dagaallo iyo dowlad la'aan ayaan haysan adeeg caafimaad oo wanaagsan, oo lacag la'aan ah, iyadoo Isbitaallada gaarka loo leeyahay aysan ku filnayn baahidda dadka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.