Imisa Covid-19 ugu dhimatay Soomaaliya tan iyo 2020?

Tirada illaa hadda ka caafimaadey waxay gaaresyaa 10,767, kuwaasoo u badan dhalinyarada jirkooda difaaca adag leh.

Warar Keydmedia Online
Imisa Covid-19 ugu dhimatay Soomaaliya tan iyo 2020?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa soo saartay Maanta tiradii ugu dambeysay ee dadka uu dilay caabuqa Covid-19 iyo kuwa ka bogsadey cudurka.

Waxay sheegtay Wasaaradda in tirada dadka u dhintay xanuunka ay gaartay 1,294 kadib markii ay diiwaan-gelisay 114 dhimasho ah afartii Todobaad [Hal bil] ee lasoo dhaafay.

Meelaha ugu badan ay ku dhinteen dadka 114 waxaa kamid ah (Somaliland:94, Puntland:9, Banadir:5, Jubbaland:5, Hirshabelle:1), iyadoo muuqa in Somaliland cudurka fara ba'an ku hayo.

Tirada ka caafimaadey xanuunka tan iyo 2020 waxay gaareysaa 10,767, kuwaasoo u badan dhalinyarada jirkooda difaaca adag leh. Dad badan oo la ogeyn ayaa u dhintay Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu dhaliilay wacgi-gelin la'aan xagga talaalka, iyadoo dalka la keenay dhowr tallaal, oo France, US iyo China ugu deeqeen dalka Soomaaliya.

Shacabka oo dhibaatooyin badan oo marey, ayaan waxba kasoo qaadin Cudurka, iyadoo aad ku arkaysid meelaha la isagu yimaada iyadoo aan la xirnayn waji-xirka [Face mask].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.