Indhacade: Dowlada hub igama dhigi karto

Muqdisho (keydmedia) Yuusuf Siyaad Indhacade oo ah shaqsi gooni isu taag ah iskiisna u hubeysan kuna sugan deegaanada dowlada ay ka taliso dowlada ayaa wacad ku maray in aanay dowlada awood u laheyn hub in ay ka dhigto ciidankiisa.
Warar Keydmedia Online

“ Wasaarada gaashaandhiga hub nagama dhigi karto, annaga shabaab ayaan dagaal kula jirna, howasha dowlada ayaan qeyb ka heynaa, waxaana nahay urur u taagan xoreynta Dalka, waxaana la yaabanahay hadalka ka soo baxay wasiirka gaashaandhiga ee sheegaya in hubka laga dhigayo ururada dowlada aan ka tirsaneen ee jooga dhinaca dowlada” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Yuusuf Indhacade.

Hadala isku tuurtuurka u dhaxeeya Yuusuf indhacade iyo wasiirka Gaashaandhiga C.xakiin Fiqi ayaa waxa uu soo ifbaxy xili ilo xog-ogaal ah ay ku warameen in saanada iyo mushaaraadka ay ciidamada Indhacade uu ka taakuleeyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Yuusuf Indhacade ayaa xiligii Cumar C/rashiid waxa uu ahaa wasiiru-dowlihii Gaashaandhiga waxaana uu ka dhaliilay xukuumadaasi in ay shabaab taageerto waxaana intaasi kadib uu iska dhigay xilkii uu hayay.

Mar uu fasiraad ka bixinayay hadalka wasiirka gaashaandhiga ayaa waxa uu sheegay in hadalka  Fiqi uu u muuqdo mid loogu daneynayo Alshababa.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.