Indhuhu waxay kusii jeedaan Hague iyo go’aanka Badda

Maalinta berri ah waa maalin aad loo hadal-hayo Soomaalida meel kastoo aduunka ka joogto, iyadoo la xukminayo kiiska Badda.

Warar Keydmedia Online
Indhuhu waxay kusii jeedaan Hague iyo go’aanka Badda

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalinta berri ah lagu dhawaaqi doonaa cida leh badda mudada dheer ay ku muransanaayeen Soomaaliya iyo Kenya, taasoo go'aan ka gaareyso ICJ.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee {ICJ], ayaa Maanta soo saartey qoraal ay ku sheegtay in 12-ka October oo berri ku beegan ay soo saari doonto go'aan kama damabeys ah.

Waxaa ku sugan Hague wafdi ka baxay Muqdisho oo Mahdi Guuleed hogaaminaya, iyagoo u jooga inay goobjoog ka ahaadaan ku dhawaaqista go'aanka ICJ, oo dhegta loo taagayo.

Kiiskan badda wuxuu soo jiitamayay tan iyo 2010, waxaana dowladdii Xasan Sheekh u gudbisay ICJ 2014 kadib markii Kenya ay diiday inay wadahadal ogolaato in lagu dhameeyo.

Hadda Kenya waxay sheegtay inaysan u hogaansami doonin go'aanka ICJ kasoo baxaya, waxaana midan abuuraysaa in khilaafkii labada dal dib usoo laabto, oo xiriirka isku jaraan.

Kenya waa dal dhisnaa intii Soomaaliya burburka ku jirtay, waxayna leedahay Cudud militeri oo ay ku difaacdo xuduudaheeda badda, cirka iyo dhulka.

Go'aanada ICJ ma lahan fulin, waana midaas walaaca jira cid ka qaadi doonto Kenya badda ay xoogga ku haysato, oo dhawaan ay Ciidan badeed geysay gobolka Lamu oo Uhuru booqday.

Xuduud badeeda muranka uu ka jiro wuxuu gaarayaa 100,000KM isku wareeg ah, waxayna Soomaaliya doonaysaa in loo cabiro xagal toosan oo la dhererarsan xuduudda dhulka.

Laakiin Kenya, waxay doonaysaa in badda dhankeeda loo cabiro, oo xagal qaloocan [45 digrii] ah, taasoo siinaysa qeybo badan oo ku jira shidaal, waana meesha sarta ay ka qorantay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.