Inta Bixii joogo Hiiraan bogsan meyso!!

Wuxuu Biixi ku eedeeyay inuu iska dhigayo Jeneraal uu dhab ka yahay dagaalka, hayeeshee uu u jeedkiisu yahay sidii uu han-jabin lahaa kacdoonka shacabka ee ka curtay Hiiraan, si ay meesha uga baxdo rajada degaannada Hawiye looga xoreynayo Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Inta Bixii joogo Hiiraan bogsan meyso!!

BUULO-BURDE, Soomaaliya – In ka badan labo bilood ayuu Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ku suganaa gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ka socdo dagaal ka dhashay dareenka shacabka kana dhan ah Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, kaasoo ilaa hadda aan wax badan ka soo naasa-caddaan.

Inkastoo dadka degaanka iyo ciidamada Dowladdu muujiyeen ka go’naansho dhab ah iyo doonis xaqiiq ah oo ay ku xoreynayaan gobolka, haddana waxaa muuqata hagar-daamo hoggaamineed iyo majaamalayn ay wadaan saraakiil uu hoggaan u yahay Biixi, sida uu KON u sheegay sarkaal naga dalbaday in aanan magaciisa xusin.

Sarkaalkaan oo ka mid ah saraakiishii dagaalka ka soo billaabay degmada Matabaan labo bil ka hor ayaa sababta muddo intaas la eg dadka degaanka iyo Dowladda oo is kaashanaya uga adkaan la’yihiin Al-Shabaab-ka ku sugan Hiiraan ku macneeyay hagar ka imaaneysa saraakiisha CXDS ee uu hoggaanka u hayo Maxamed Tahliil Biixi.

Wuxuu xusay in talisku gabay dhammaan howlahoodii talis, kaliyana ay ku soo aruureen in ay dabka ku shubaan Ciidanka iyadoo aan la eegeeyn wax istaraatiijiyad dagaal ah, isla-markaana aysan raadineyn xogta Al-Shabaab haddii ay helaanna aysan la wadaageyn saraakiisha furinta ku sugan taas oo badisay khasaaraha ciidanka.

Wuxuu Biixi ku eedeeyay inuu iska dhigayo Jeneraal uu dhab ka yahay dagaalka, hayeeshee uu u jeedkiisu yahay sidii uu han-jabin lahaa kacdoonka shacabka ee ka curtay Hiiraan, si ay meesha uga baxdo rajada dalka oo dhan, gaar ahaan degaannada beesha Hawiye looga saarayo Al-Shabaab oo muddo dheer dagaal kula jirta Dowladda.

“Waad ogayseen ciidamadu waxa ay dhamaadkii bishii hore ka soo baxeen degaanno muhiim ahaa oo Yasooman, Ceel-qooxle, Maqo-kore iyo kuwo kale oo muhiim ahaa ku jiraan, soo bixiddaas waxaa sababteeda lahaa Saraakiil uu Biixi ka mid ahaa, waxa ay si cad ula aamuseen xogta Al-Shabaab oo dullaan ku soo ahaa Ceel-qooxle” ayuu yiri.

Sidoo kale sarkaalka nala hadlay wuxuu sheegay in aysan jirin sabab uu Madaxweynaha Soomaaliya u sii daawado waxa uu ku tilmaamay dhiig-baxa reer Hiiraan iyo Ciidanka Dowladda ee Biixi oo wakiil ka ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin uu ka wado degaamka. “Waa dhab Biixi wuxuu xogta ciidanka u gudbiyaa Al-Shabaab”, ayuu yiri.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi wuxuu ka mid yahay saraakiisha farqaha dhiigga ku leh ee dhamaadkii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre dadka ku laaysay Shabeellaha Dhexe, sidoo kale wuxuu hoggaan u ahaa isku daygii ciidan ee Farmaajo loogu sii haynayay kursiga, waana riyo maalmeed in laga sugo xoreynta gobolka Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.