Intee la egyahay Khasaaraha Qaraxa Muqdisho?

Goobjooge ayaa KON u sheegay in qaraxa uu ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay, taasoo sida muuqata lala damacsanaa Ciidan boolis ah oo gaadiidka Habeenkii ku baara jidka.

Warar Keydmedia Online
Intee la egyahay Khasaaraha Qaraxa Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay, 5 kalena way ku dhaawacmeen Qarax culus, oo Caawa Fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir.

Goobjooge ayaa KON u sheegay in qaraxa uu ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay, taasoo sida muuqata lala damacsanaa Ciidan boolis ah oo gaadiidka Habeenkii ku baara jidka.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah Ceel-Qalow, meel ku dhaw midka Culusow, oo aan ka fogeyn dhismaha Somali airlines waxay ahayd mashquul, waxaana marayay gaadiid badan.

Dad shacab ah ayaa la sheegay inay ahaayeen dadka ku dhintay, sidoo kalena kuwa dhaawacmay ma ahayn askar, waxaana loo qaadey Isbitaal, sida uu xusay Goobjoogaha.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo noqonaya midkii 2aad oo Caawa ka dhaca Caasimadda, iyadoo lagu soo beegay xili Al-Shabaab culeys badan kasoo fuulay gobollada Dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.