Internet-ka Koonfurta Soomaaliya oo dib usoo laabtey

Adeeggan ayaa lagu guuleystay inuu dib usoo noqdo kadib markii la xaliyay cilad ku timid xarigga Internet-ka Fiber Optic ee Shirkadda Dalcom.

Warar Keydmedia Online
Internet-ka Koonfurta Soomaaliya oo dib usoo laabtey

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta dib usoo laabtey adeeggii Internet-ka Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo mudo dhowr maalmood ah maqnaa, kadib markii cilad ku timid xarigga Fiber Optic ee Shirkadda Dalcom.

Dedaal dheer oo ay sameeyeen Injineeradda ayaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo adeeggan, oo muhiim u ah nolosha shacabka, maadaama ay ku tiirsanaayeen dhinac walba, sida waxbarashadda iyo ganacsiga.

Soomaaliya ayaa safka hore ka gashay dhawaan dalalka ugu qiimaha hooseeya Internet-ka, taasoo ku timid maalgashiga xorta ah ee jira, oo dhiiragelisay dad badan inay qeyb ka noqdaan dib usoo kabashadda wadanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.