Is-baheysi cusub: Nuxurka farrin ku socota KGS

Siyaasiyiin Dowladda Federaalka ka soo qabtay xilalka ugu sarreeya ayaa ku baaqay in xalka Koofur galbeed ku jiro in laga hirgaliyo doorasho la isla oggol yahay, waxayna ku baaqeen in laga fogaado gacan ka hadal siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Is-baheysi cusub: Nuxurka farrin ku socota KGS

BAYDHABO, Soomaaliya – Is-baheysi cusub oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore oo kala h Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray baaq ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koofur galbeed.

Siyaasiyiintaan waxa ay nasiib darro weyn ku tilmaameen inuu xilligaan dalka ka dhaco dagaal aan aheyn midka lagula jiro Al-Shabaab oo guulo waaweyn laga gaaray kaasoo loo jahaystay kadib markii ay idlaatay doorashadii madaxtinimada, xukunka ugu sarreeya dalkana uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay ugu baaqeen dhammaan siyaasiyiinta iyo hoggaanka maamulka Koofur galbeed in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in maamulka laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay, waxayna Dowladda Federaalka ka rajeeyeen in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer ee waddanka.

“Dowladnimada Soomaaliya waxay u baahantahay u turid, sida ugu habboon ee loogu turi karana waa ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka. Dalkeennu wuxuu ku jiraa dagaal xaq ah waxaana dhammaanteen nagu waajib ah in aan u midowno dagaalkaas”, ayaa lagu yiri baaqa ay soo saareen siyaasyiinta is-baheysiga sameystay.

Baaqaan ayaa ku soo aadaya xilli ay magaalada Baydhabo marti-galisay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka amar qaata Cabdicasiis Laftagareen oo muddada xil heyntiisii idlaatay 19 December 2022 iyo ilaalada musharrax Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur uu sheegay in garoonka diyaaradaha Baydhabo laga celin doono siyaasiyiinta doonaya in doorasho ka dhacdo KGS, Laftagareen ayaana doonaya inuu xoog xilka ku sii joogo ilaa dhamaadka sanadka 2024-ka.

Laftagareen wuxuu ka mid yahay shaqsiyaad ay Kooxdii Farmaajo u xoogeen kuraas siyaasadeed. Dec 19, 2018 doorasho boob ah oo dhiig ku daatay ayay ciidamada Itoobiya ugu caleemo saareen inuu yahay Madaxweynaha KGS, waqtigiisii hadda waa dhamaaday, waxaana indhaha lagu hayaa go’aamka Dowladda dhexe.  

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.