Isbadal ku yimid Siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya

Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa bedelay siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee ku aadan Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Isbadal ku yimid Siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii uu Joe Biden yimid Aqalka Cad [White House], waxaa isbedelay heykalka siyaasadda dibadda Mareykanka, iyadoo la adkeeyay luuqadda diblomaasiyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda kula hadasho dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

Isbadalka waxaa laga dareemay Soomaaliya, oo Mareykanka ku leeyahay Safaaradda safiir rasmi ah u jooga kaasoo la sheegay in la bedalayo dhawaan kadib markii uu maamulkii  uu lasoo shaqeeyay ee Trump meesha ka baxay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa markii ugu horeysay ka hadlay siyaasadda cakiran ee ka taagan Soomaaliya, isagoo madaxda dalka qoraalkii uu soo saarey maalmo kahor aad ugu canaantay, kana dalbaday inay si deg deg ah ay ku qabtaan doorashadda, oo meel iska shigaan danahooda gaarka ah.

Kahor inta uusan furmin Shirka Afisyooni, Safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal ay uga hanjabtay Madaxda Maamul Goboleedyadda, oo ay ku amartay inaysan ka bixin Muqdisho inta heshisi laga gaarayo khilaafka doorashadda.

"Waa in aadan Muqdisho ka bixin oo aad joogtaan inta heshiis doorashadda laga gaarayo, lama aqbali doono fashil, shacabka Soomaaliyeed doorasho ayay hadda u baahan yihiin," ayuu lagu yri qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Waxay ahaayeen qoraalladii ugu dambeeyay ee Mareykanka kuwa muujinaya inuu Maamulka Joe Biden baaqa ku bedello hanjabaad, si loo cabsi-geliyay hogaamiyeyaasha siyaasadda dalka oo ku guul-dareystay dhexdooda inay heshiis ka gaaraan khilaafyada jira.

Xoog oo kaliya in lagu wadi karo siyaasadda Soomaailiya ayuu ogaadey Mareykanka, waana midaas wax la is leeyahay inay soo dedejiyeen isbadalka cusub, oo laga dareemayo Soomaaliya oo khilaafyo uu hareeyay doorashadeeda.

"Hadii aad tashan waydo,,Waa lagu talin! Midnimadu waa lama huran".

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.