Isbitaalada Somaliland oo la kaalmeynayo

Hargeysa(keydmedia) Hey’ada kale duwan ayaa la sheegay in ay kaalmooyin ka geysanayaan xarumaha caafimaad ee uu maamulo maamulka Somali-land.
Warar Keydmedia Online

Hey’ada ay ka mid yihiin MSF Holand, MSF SPAIN, DPID iyo Uniceaf ayaa gacan baalaran ka geysanaya qalabeenta, mushaar bixita iyo taageerada guud ee isbitaalada ku yaala gobalada kale duwan ee maamulkaasi.

Mas’uulka ugu sareeya waaxda Caafimaadka ee maamulkaasi ayaa sheegay in si hey’adahaasi qaarkood ay howl bilaabeen halka kuwa  kalana ay  dhawaan bilaabi doonaan howlahooda shaqo.

Talaabadan ay hey’adaha ku taageerayaan isbitaalada ku yaala Hargeysa iyo agaheeda ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili dhibaatooyin caafimaad baaxad leh ay heysato dadka ku nool koonfurta Soomaaliya oo xiligan dhibaato baahsan oo dagaalo ay abaara ah ay ka jiraan.

Hey’adaha ayaa iyagu ka dhaga laabtay taageera dadka dega koonfurta, waxaana kol hore maamulka isbitaal madiina uu sheegay in hey’adaha ay iska indha tirayaan taageerada umadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan taas badalkeedna meela nabdoon oo dhibaato badan aanay ka jirin ay isku maaweeliyaan.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.