Isha dhaqaalaha maamulka Galmudug oo weli xiran

Waxaa weli xiran isha dhaqaalaha ee maamulka Galmudug taas oo ah waddada isku xirta koofurta bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, taasoo maamulku uu ka qaadan jiray lacago canshuur ah

Warar Keydmedia Online
Isha dhaqaalaha maamulka Galmudug oo weli xiran

GALINSOOR, Soomaaliya - Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee deegaanka Galinsoor oo Gadood ka sameeyay wadooyinka isku xira deegaanka Galinsoor iyo deeganada gobalka Galgaduud ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gawaarida ku safarta wadooyinka soo gala degmadaasi oo marin u ah Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Gaadiidka xayiran waddada ayaa u badan kuwa xamuul oo sida gancsi, waxayna tirada ugu badan gawaaridaasi ku xaniban yihiin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo kusoo jeeday gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, Ciidamada ayaa xiray waddada, iyagoo u diidaya in ay gaadiidku maraan.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin Mushaar la’aan muddo bilooyin ah, taas oo dhalisay in ay sameeyaan jidgooyo lagu xanibaayo gaadiidka ku safraayo iyadoo marin muhiim u ah gawaarida xamuulka ah ee ganacsatada u raran ee maraya waddadaas.

Ciidamadaan gadoodsan ayaa bartamihii sanadkii tagay 2020 waxay wasaaradda amniga Galmudug ay ku xareysay xerada Dhaankaroone oo duleedka Galinsoor ah.

KEDYMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.