Isku-socodka dadka iyo Gadiidka ee Muqdisho oo la joojiyay

Xaaladda Muqdisho ayaa saakay ku waaberiisatay wadooyinka muhiimka oo xiran, iyadoo qaarkooda dadka shacabka laga celinayo inay lug kumaraan.

Warar Keydmedia Online
Isku-socodka dadka iyo Gadiidka ee Muqdisho oo la joojiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka DF ayaa saakay xiray wadooyinka halbowlaha u ah isku-socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha, xili uu jira khilaaf siyaasadeedka Farmaajo iyo Roobble.

Waxaa xiran jidadka ugu waaweyn Xamar, laga soo bilaabo Isgoysyada Jubba ilaa taalada Daljirka dahsoon, Ceelgaabta , Xamar Jajab ilaa Suuqa Beerta, oo ku dhaw Teendha Afisyooni.

Saraakiisha amniga ma aysan sheegin sababta loo xiray wadooyinka, iyadoo shacabka Caasimadda ay is-waydiinayaan arintan caqabada ku noqotay nolol-maameedkooda.

Inta badan marka doorasho ka dhacayso Afisyooni, lama xiri jirin intan wado ah, oo amniga haraaraha Garoonka diyaaradaha kaliya ayaa la adkeyn karin, oo Ciidamo AMISOM la dhigay.

Xaaladda siyaasadeed dalka ayaa saameeyay amniga, iyadoo amaro iska soo horjeedo Ciidanka laga soo siiyo Xafiisyada Farmaajo iyo Rooble, oo ka dhaxeeya loolan awoodeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.