Ismaandhaaf maamul oo ka taagan Jubooyinka

Kismaayo(keydmedia) Waxaa aad isu soo taraya warar tilmaamaya in ismaandhaaf la xiriira dhanka maamulka uu ka taaganyahay gobalada jubooyinka ee ay ka taliyaan xoogaga dowladda ka soo horjeeda.
Warar Keydmedia Online

Ismaandhaafkan ayaa yimid kadib markii horjoogaha ugu sareeya ee maamulka Jubooyinka uu shaaca ka qaaday in gabi ahaanba uu isbadal ku sameeyay qaab maamulka gobaladaasi taasoo u cuntami weysay Xasan Yacquub Cali oo ah horjoogaha jubadda hoose ee kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Horjoogaha guud ee jubooyinka oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan ayaa amar ku bixiyay in gabi ahaanba hakad la galiyay dhaq dhaqaaqii xarunta maamulka iyo dekadda magaalada kismaayo tan iyo inta xal laga gaarayo muranka u dhaxeeya isaga iyo xasan yacquub.

Waa markii 2-aad ee uu soo ifbaxo khilaaf u dhaxeeya Xasan Yacquub iyo Abuukar Cali Aadan, waxaana ay aheyd dhawr bilood ka hor markii xasan Yacquub uu ka gadooday maamulkaasi isla markaana uu isaga laabtay Gobalka Bay oo uu isala ahaan ka soo jeedo.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.