Italy iyo DF oo kala saxiixday heshiis cusub

Heshiiskan ayaa ku kacaya 6M Euro oo u dhiganta in ka badan 7 milyan oo dollar ayaa lagu wadaa in wax looga qabto dhibaatada fatahaadaha Beledweyne, waxaana sidoo kale lagu horumarinayaa beeraha.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku kacaya 6M Euro, kaasoo loogu talagalay xakamaynta fatahaadda webiga Shabeelle ee Beledweyne iyo horumarinta beeraha gobolka Hiiraan.

Mashruucan waxaa fulin doona xafiiska FAO ee Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso iyo daneeyayaasha. Hadii la fuliyo, waxuu kumanaan qof ka badbaadin doonaan fatahaada sanad kasta barakicisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.