Jaamacad laga furay magaalada Marka

Marka(keydmedia) Magaalada marka ee xarunta gobalka Sh.hoose ayaa laga furay jaamacad loogu magac daray Lower Shabelle oo ay wax ku baran doonaan dhalinyarada deegaankaasi ku nool.
Warar Keydmedia Online

Jaamacadan oo ay fikirka furitaankeeda ay lahaayeen  aqoonyahano deegaanka ah ayaa iminka sida la sheegay waxa ay ka koobnaan doontaa ilaa afar kuliyadood oo kala ah Sharciga iyo Daraaasaadka Islaamka, Beeraha, Cilmiga Badda iyo xanaanada xoolaha.

Ardayda ku nool gobalka Sh.hoose ayaa xiliyada ay dhameestaan dugsiyada sare waxa ay waxbarasho jaamacadeed u soo doonan jireen jaamacadaha Magaalada Muqdisho, waxaana suurta gal ah haddii la tayeeyo jaamacadan in ay buuxiso kaalinta banaan ee baahida waxbarashada sare ee deegaanka.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.