Jadwalka doorashadda Farmaajo oo fashil ku yimid

Maanta ayaa waxaa la filayaa inay billaabato diiwaangelinta Musharixiinta Kuraasta Aqalka Sare, iyadoo doorashadduna la qorsheeyay inay billaabato 31-ka bishaan.

Warar Keydmedia Online
Jadwalka doorashadda Farmaajo oo fashil ku yimid

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa mar labaad fashil ku yimid jadwalka Farmaajo u dejiyay doorashadda Soomaaliya kadib markii ay Musharixiinta Mucaaradka iyo qaar kamid ah Maamul Goboleedyada ay kasoo horjesteen gudiyadda aan dhex-dhexaadka ahayn inay maamulaan hanaanka codbixinta.

Jadwalkii hore wuxuu ahaa November 2020, laakiin ma qabsoomin, waxaa markale la sameeyay jadwalka cusub oo dhawaan gudiga doorashadda ku dhawaaqay kaasoo lagu sheegay in 26-ka bishan ay billaabato diiwaangelinta Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare.

Cabaqadaha ugu waaweyn ee doorashadda hortaagan waxaa kamid ah khilaafka magacaabista gudiyadda iyo Ciidanka DF ee la geeyay Gedo, oo Mucaaradka ay ku baaqayaan in laga soo saaro, islamarkaana la kala diro gudiyadda aan dhex dhexaadka ahayn.

Mar hadii maanta aysan billaaban diiwaangelinta musharixiinta doorashadda Aqalka Sare, waxaan dhici doonin soo xulista ergada iyo qabashadda doorashadda Baarlamaanka, maadaama aan wali xal laga gaarin muranka taagan.

Gudiyadda lagu muransan yahay ayaa u badan dhalinyaro dowladda u shaqeeya, kuwa NISA katirsan iyo kuwa kale oo Farmaajo baraha bulshadda ka taageeri jiray, waxuuna Madaxweynaha doonayaa inay usoo saaraan Xildhibaanno isaga u codeeya Feb 8, 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.