Jahawareer: Kooxda Farmaajo oo kala firxad ah!

Qatar, oo saameyn xooggan ku lahayd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee la soo dhaafay, ayaa dareensan in kal-doorasheedkaan ay cadaadis xooggan kala kulmi doonto dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar, oo xiriir soo jireen ah la leh Dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Jahawareer: Kooxda Farmaajo oo kala firxad ah!

MUQDISHO, Soomaaliya -  Xogo hoose oo saacadihii la soo dhaafay xoogeystay ayaa sheegaya in jahawareer xooggan uu soo wajahay kooxda qaabilsan olaha Farmaajo, kadib socdaalkii Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo xubno ka tirsan musharixiinta Mucaaradku ku tageen Imaaraadka.

Ilo loo qaateen oo ay ku jiraan, shaqsiyaad u dhuun-duleela xogaha Xaafiiska Farmaajo, ayaa sheegaya in bartamihii todobaadkaan Madaxtooyada la gaarsiiyay waraaq ka timid safaradda Qatar, taas oo Fahad iyo Farmaajo, loogu sheegay in ay wax ka beddelaan sida ay u wadaan ololahooda.

Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Farmaajo, ayaa si deg-deg ah ugu yeeray Qoorqoor iyo Lafatagareen, si uu ula meeldhigo doorka ay ka qaadanayaan dib u doorashadiisa “Riyo maalmeedka ah” hayeeshee, jiritaanka kala aragti duwanaan xooggan ayaa soo if-baxday.

Warka Qatar ka yimid, oo dulucdiisu ahayd in koox ahaan loo difaaco kursiga ugu sarreeya dalka, si uusan uga bixin gacanta kooxda ay maal-galiyeen 2017-kii, ayaa lagu sheegay in xitaa la baddeli karo Musharraxa kooxda, [Farmaajo] haddii aysan jirin fursad uu mar kale bulshada uga gadmi karo.

Qodobkaas, wuxuu sababay in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], uu kooxda Ololaha la wadaago inuu ku jiro damac Madaxweyne, isla-markaasna uu la imaan karo codod badan maadaama uu door muhiim ku leeyahay doorashooyinka dadban.

Doodda Qoorqoor, oo aan filan-waa ahayn, maadaama xanta damaciisa ay hore suuqa ugu jirtay, ayaa garab ka helay Guddoomiyaha Haayadda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeynaya dib u doorashada Farmaajo.

Farmaajo, wuxuu Qoorqoor u soo bandhigay Ra’iisul Wasaare, haddii uu mar kale ku guuleysto xilka Madaxweynaha, halka uu Laftagareen u ballan qaaday inuu ka dhigayo guddoomiyaha baarlamaanka 11aad, hayeeshee, labaduba waxa ay muujiyeen cagajiid.

Laftagareen, wuxuu kulamo hoose la qaatay Xasan Cali Kheyre isbuucaan, wuxuuna wadaa dadaal uu doonayo inuu dib u nooleeyo cilaaqaadkii Fahad iyo Kheyre, oo aan aragti ahaan aad u kala fogeyn, “Fahad kama didsana Kheyre” ayuu yiri sarkaal ka tirsan NISA.

Jahawareerkaan, ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, uu ka biyo diiday farriin ka socotay xaafiiska Fahad oo ay todobaadkaan Jowhar ugu geeyeen saraakiil uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Dheere, taas oo la xariirtay fududeynta boobka kuraas gaar ah.

Qatar, oo saameyn xooggan ku lahayd siyaasadda Soomaaliya shanti sano ee la soo dhaafay, ayaa dareensan in kal-doorasheedkaan ay cadaadis xooggan kala kulmi doonto dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar, oo xiriir soo jireen ah la leh Dowladda Soomaaliya.

Fariinta ay bartamihii isbuucaan gaarsiiyeen Madaxtooyada ayaa muujineysa in aysan jacayl gaar ah u qabin Farmaajo, ee ay doonayaan in ay taliska ku hayaan shaqsi uu Fahad Yaasiin wado, kaas oo xitaa noqon kara shaqsi hadda ka soo horjeeda, hayeeshee, dhaqaalo xooggan lagu xera-galiyo.

KEYDMEDIDA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.