DIIRADDA MAANTA

Jamaal xarig mooyee xil ma mudna!

Jamaal iyo xaaskiisa Hodan waxa ay gacan ka gaysateen fududeynta in DF ay shatiyo ganacsi siiso shirkado kalluumaysi oo Shiinuhu leeyahy, waxayna masuul ka ahayeen in 15 iskaashato iyo 83 shirkadood oo ku bahoobay Ururka Kalluumeysiga Shiinaha ay shatiyo kalluumeysi helaan kaliya sanadihii 2018, 2019 iyo 2020.

Warar Keydmedia Online
Jamaal xarig mooyee xil ma mudna!

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay caddeynayaan ilo xog ogaal ah, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dadaal xooggan ku bixiyay in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan loo magacaabo Agaasimaha Xarunta Urur goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Degaanka.

Xaruntan oo ah middii 7-aad ee Urur goboleedku yeeshu ayuu markii horaba qorshuhu ahaa in laga furo Soomaaliya, Dowladda Faderaalka ayaana lahayd doorka ah in ay keento shaqsiga IGAD u magacaabeyso xilkaas, iyadoo la xasuusan yahay in Soomaaliya tahay dalka ay sameynta u weyn ku yeelatay Cimilada Gobolka oo dhan.

Xoghaya Fulinta IGAD Workenneh Gebeyahu ayaa ku dhawaaqay magacaabidda Jamaal Maxamed, taasoo loo ekeysiiyay mid aysan Dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku lahayn, isla-markaana aysan wax diidmo ah kala hor imaan, si hoos loogu dhigo hadal heyn ka dhalan karta magacaabidda  shaqsi Farmaajo u ah garabka midig.

Howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Keydmedia Online u sheegay in Xamse Cabdi Barre, dadaal ku bixiyay in Jamaal xilkaas helo isla-markaana ku qanciyay Madaxweyne Xasan iyo hoggaanka Urur gobolleedka taasoo la yaab ku tilmaantay dadka siyaasadda u dhuun duleela fahankana ka heysta siyaasadda Jamaal.

Xamse wuxuu hore la-taliyahiisa Arrimaha xariirka caalamiga ah u magacaabay Marwada Jamaal Maxamed Xasan oo lagu magacaabo Hodan Cismaan Cabdi oo ahayd la- taliyaha Farmaajo ee dhinaca arrimaha maalgashiga, taasoo qudheedu ahayd qarow iyo ka fiirsi la’aan siyaasadeed, maadaama ay Hodan u janjeerto dhanka Shiinaha.

Jamaal wuxuu ku jiray milkiilayaashii maamulkii Farmaajo, wuxuu ka mid ah shaqsiyaadka jaan-gooya siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka ku dhawaad lixdii sano ee la soo dhaafay, wuxuu hormuud u aha Koox isku xiran oo guud ahaan mashaariicdii dalka oo dhan afka ku shubatay degaanno gaar ahna sad-bursi xad-dhaaf ah u sameysa.

Jamaal wuxuu ku jiray wasiirro geed dheer iyo gaaban u koray in Farmaajo dalka ka sii taliyo xilligii muddo kordhinta, isaga iyo wasiirro kale oo Cabdisiciid Muuse iyo Cabdiraxmaan Duceele Bayle ku jiraan ayaana miisaska caalamiga ah iyo dalalka daneeya arrimaha siyaasadda ka iibiyay in ay Farmaajo taageeraan.

Jamaal waxaa hore loogu eedeeyay musuq-maasuq iyo ku-tagri-fal awoodeed, Agaasimahii Wasaaradda Qorsheynta Cabdiqaadir Maxamed, ayaa dhamaadki sanadkii hore sheegay in Jamaal lunsadey dhaqaale badan oo deeq-bixiyaasha ugu tala-galeen in mashaariic lagu fuliyo, danihiisa gaarka ah u adeegsanayay dhaqaalahaas.

Jamaal wuxuu ahaa ninka deeqbixiyaasha u gudbiya mashaariicda dowladda, wuxuuna soo noqdey Safiirka Soomaaliya ee Kenya, wuxuu mudo dheer joogay xafiiska, taasoo u fududeysay inuu sameysto xiriirro dibadda ah oo aad u xooggan, wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka siyaasadda ugu jira xooleysiga iyo boobka hantida dadka.

Jamaal iyo xaaskiisa Hodan waxa ay gacan ka gaysateen fududeynta in DF ay shatiyo ganacsi siiso shirkado kalluumaysi oo Shiinuhu leeyahy, waxayna masuul ka ahayeen in 15 iskaashato iyo 83 shirkadood oo ku bahoobay Ururka Kalluumeysiga Shiinaha (COFA) ay shatiyo kalluumeysi helaan kaliya sanadihii 2018, 2019 iyo 2020.

Jamaal, wuxuu bartamihii 2021, hay'adaha iyo ururada caalamiga ah u qaybiyay warbixino uu kaga been-abuuranayo sida qabiilada Soomaaliyeed u kala deggan yihiin Caasimadda Somaaliya, si mustaqbilka dadka asal ahaan ka soo jeeda gobolka Banaadir loo barakiciyo, loona abuuro sheegashooyin aan jirin colaad sokeeyana sababi karta.

Jamaal wuxuu mudnaa xisaab ee xil xaq uma lahayn, jidka ay qaadday Dowladda cusub ee ah in ay xilal ka safto shaqsiyaadkii dadku karaahsadeen ee Farmaajo u adeegayay, xilli dadkii is-baddelka dhaliyay ee mabda’ adag ku taagnaa  ay bannaan joog yihiin waa niyad jab iyo in bulshadu ka aamin baxdo siyaasiyiinta oo dhan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.