James Swan oo la kulmay madaxweyne Biixi

Wakiilka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi

Warar Keydmedia Online
James Swan oo la kulmay madaxweyne Biixi

HARGEYSA, Soomaaliya - Wakiilka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa maanta kula kulmay madaxweynaha maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax bannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Labbada mas'uul ayaa ka wada hadlay, arrimo ay kamid yihiin; xiriirka qaramada midoobey iyo Somaliland oo hore xukuumada Somaliland ay u sheegtay inay joojisey iyo arrimaha la xiriira doorashooyinka, James Swan ayaa sidoo kale la kulmey guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ergayga gaarka ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa socdaallo kala duwan ku marayay qeybo kamida Soomaaliya, isagoo horay ubooqday magaalooyin ku yaal maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, safarkaasoo la xiriiray arrimaha doorashooyinka dalka ee uu muranku ka jiro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.