Jariidada Washington Post oo wareysatay Qoraa sare oo ka tirsan keydmedia (Video)

Virginia (Keydmedia) - Jariidada Washingtonpost ee xarunteeda tahay Dalka Maraykanka ayaa wareysatay bishan gudaheeda qoraa sare oo ka tirsan keydmedia oo lagu magacaabo Prof. Mohamoud Iman Adan
Warar Keydmedia Online

Prof-ka oo ka tirsan qoraayaasha sare ee bogga keydmedia labadiisa qeybood Somali iyo English-ka oo ku nool Dalka Mareykanka ayaa kuliyada Civil Engineering waxa ku qaatay magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan, waxa uu ka soo shaqeeyay xiligii Barisamaadka Wasaaradii waxbarashada Soomaaliya iyo qeyba kale oo kale duwan.

Professor Max’ud Iimaan oo ah qoraa inta badan falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa wax ka qora arimaha la xiriira Nabadda, Waxbarashada iyo Siyaasada, waxaana qoraaladiisa ka muuqda waaya aragnimo iyo aqoon xeeldheer.

Ka sakow qoraalada waxa uu kaalin mug leh ka ciyaaray cilmi baaris balaaran oo ay keydmedia waday muda 20 sano ah oo la xiriirta Taariikhda Soomaaliya, taasoo aad todobaad walba ku daawataan Barnaamijka Dhacda Ugub ah ee ay keydmedia Sabti walba baahiso.

Iimaan waa aqoonyahan damiir wadaniyadeed iyo mid diimeed oo xeeldheer leh, waxaadna taasi ka dheehan kartaa kaalinta uu ka qaatay ururinta keydka taariikhda Soomaaliya iyo sidoo kale qoraaladiisa ku saleysan wadaniyada iyo Dad iyo dal jaceylka.

Wareysigan ayaa marqaati cad waxa uu u yahay kartida, aqoonta iyo firfircoonada bahda keydmedia, waxaana Prof. Max’ud Iimaan uu noqonayaa qoraagii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo wareysi ceynkan kale ah ay la yeelato warbaahin ajnabi ah.

DAAWO WAREYSIGA (RIIX MEESHAAN)

keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.