Jen Biixi oo booqday goob 88 xubnood Al-Shabaab looga dilay

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sii wada guulaha ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo la wareegay goobo muhiim ah.

Warar Keydmedia Online
Jen Biixi oo booqday goob 88 xubnood Al-Shabaab looga dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Maxamed Taliil Biixi, Taliyaha Ciidamada Dhulka Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagay Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ka socda howlgal militeri oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Booqashadiisa ayaa timid maalmo kadib markii Al-Shabaab laga saarey degmada Aadan Yabaal, oo ahayd xarunta ugu weyn ay Kooxda ku lahayd gobolka 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Taliyaha Booliska Hirshabeelle Col Xasan Dhicisoow, waxaana ay gelinkii dambe ee Jimcihii ku hoydeen tuulooyinka keymaha ah ee u dhaxeeya Guulane iyo Juxaay, oo aan ka fogeyn halka ay Ciidamada Somaliya ku dileen 88 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Shir jaraa’id oo uu Khamiistii qabtay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay qabsadeen tuulada Juxaay, oo ku dhaw Aadan Yabaal.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka socda lagu dilay in ka badan 600 oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna qabsaday tuulooyin badan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza Barre ayaa dhawaan mar uu booqasho ku tagay Aadan Yabaal waxa uu sheegay in Al Shabaab lagu beegsan doono meel kasta oo ay ku jiraan, xitaa masaajidda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.