Jen Xuud: Guudlaawe waa nin Farmaajo ku adeegta

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) ayaa mudo sanad ah dagaallo kawada gobolka Hiiraan, wuxuuna ku doodayaa inuu u dagaalamyo dhismaha Maamul ka madax-banaan HirShabeelle.

Warar Keydmedia Online
Jen Xuud: Guudlaawe waa nin Farmaajo ku adeegta

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Jeneraal Xuud), ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, oo dagaal kala dhaxeeya.

Wareysi uu siiyay BBC Somali, ayuu Jeneraal Xuud ku sheegay in Cali Guudlaawe uu yahay shaqsi meesha la keensadey, oo Farmaajo ku adeegta, islamarkaana aan matalin bulshadda.

Jeneraal Xuud oo hogaaminaya Gollaha Kacdoonka Hiiraan ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uusan hoos-tagin Cali Guudlaawe, islamarkaana ay qaadaceen Maamulka HirShabeelle.

Anaga Hiiraan State inaan dhisano ayaan u soconaa, ee uma socono wax HirShabeelle la yiraahdo, magacaas xaaraan ayuu ka yahay halkan, lama keeni karo.

Wuxuu xusay in Madaxda hadda HirShabeelle ay yihiin kuwa kursiga lagu fariisayay, oo dusha laga maamulo, islamarkaana la doonayo in Farmaajo ku gaaro dantiisa dib u doorashadda.

Jen Xuud ayaa sheegay in isaga uu hadda gacanta ku hayo Beledweyne, islamarkaana uu ka saarey kuwa taabacsan Cali Guudlaawe, kadib dagaal labo maalin socdey oo dad ku dhinteen.

Sababta keentay kacdoonka Jen Xuud ayaa la sheegay inay sabab u yahay Farmaajo oo jebiyay nidaamkii awood-qeybsiga, oo Beesha Xawaadle laga wareejiyay xilka Madaxweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.